fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaMadaxweynihii Dalka Chad oo Lagu Dilay Dagaal

Madaxweynihii Dalka Chad oo Lagu Dilay Dagaal

Idriss Deby Itno
Idriss Deby Itno
    

Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayay in ka badan 30 sano, ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaadhay isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaana sidaas sheegay ciidamada.

Deby, “ayaa hadda ay ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka,” isaga oo ku sugan goobta dagaalka, waxaa sidaas war-saxaafadeed laga akhriyay taleefishinka dowladda ku yidhi afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalintii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km ku soo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.

Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

AFP, REUTERS

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir