Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWHO oo Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Xukuumadda Somaliland

WHO oo Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Xukuumadda Somaliland

– Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa wasaarada caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab shaybaadh oo ka kooban 8500 oo ah qalabka lagu baadho Covid-19 (Covid test) iyo 5 labtob.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Bade, ayaa hay’ada uga mahad celiyay qalabkan caafimaad wuxuuna sheegay in WHO ay Somaliland garab taagnayd tan iyo markii uu caabuqa Covid-19 dilaacay.

“Intii xanuunku yimiday waxanu uga mahad celinaynaa, ama ha noqoto talo ama noqoto agab iyo farsamo marwalba hay’adu waxay nala garab taagnayd intii suuro gal ah” ayuu yidhi wasiirku.

Hay’ada caafimadka adduunka ee WHO, ayaa deeqo kala duwan oo caafimaad Somaliland soo gaadhsiisay tan iyo markii uu Covid-19 ka dilaacay gudaha Somaliland.

Halkee ayay maraysa waxyeelada caafimaad ee Covid-19 gudaha Somaliland?

Sida ay baahisay wasaarada caafimaad ku tan iyo markii uu caabuqa Covid-19 soo gaadhay Somaliland, waxa laga baadhay 44357 qof, waxa ka boqsaday 2724 halka 242 qofna ay u dhinteen caabuqa.

   

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version