Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaFaysal Cali Waraabe: Intii Kulmiye Talada Qabtay, Somaliland Horumarkii Laga Doonayay May...

Faysal Cali Waraabe: Intii Kulmiye Talada Qabtay, Somaliland Horumarkii Laga Doonayay May Samayn

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe
    

Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada qabtay, anay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyay barta clubhouse, ayaa xukuumadii kala danbeyay ee xisbiga Kulmiye ku ee deeyay in ay xagal daaciyeen horumarkii ay Somaliland ku socotay.

“Intii uu Kulmiye qabtay dalka, Somaliland horumarkii laga doonayay may samaynin, waxay ku fashilantay arrimihii dibada, qabiilkuna wuu xoogaystay, hay’adihii dowlada iyo sharcigiina way baabiiyeen” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha sheegay in xukuumadaha Kulmiye ay xisbiga Waddani u ogolaadeen in uu xildhibaano yeesho isagoon doorasho galin, taas oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Faysal ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadaha xisbiga Kulmiye in ay markastaba la heshiiyaan baarlamaanka iyo guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan.

“Waxa heshiiya fulinta, baarlamanka iyo guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan taasoo sharci daro ah” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Waxaanu guddoomiyuhu intaa ku daray in xukuumada hada talada haysa ee xisbiga Kulmiye ay xidh xidhay musharixiin xisbigiisa ah isla markaana ay ka UCID ahaan iska aamuseen iyagoo dalka u tudhaya.

Guddoomiye Faysal ayaa tan iyo intii ay socotay xulista xildhibaanada doorashoooyinka deegaanka iyo wakiilada marar kala duwan ka hadlay xad gudub yo sharci oo uu sheegay in ay ku kacday xukuumada madaxweyne Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)