fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaFarmaajo oo Kinshasa Kula Kulmay Felix Tshisekedi

Farmaajo oo Kinshasa Kula Kulmay Felix Tshisekedi

Farmaajo iyo Felix Tshisekedi
Farmaajo iyo Felix Tshisekedi
    

 

Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu la wadaagay Tshisekedi “guulaha” ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaadhay xasilinta Soomaaliya, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in kulanka oo dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshasa lagaga hadlay muhiimadda ay labada dal u leedahay in ay yeeshaan xidhiidh iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha labada daliyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xidhiidhka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo La-taliyeyaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir