fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBarnaamijka Afur-kalkaal Oo Raashin Loogu Qaybiyay 50 Qoys Oo Kamid Ah Qoysaska...

Barnaamijka Afur-kalkaal Oo Raashin Loogu Qaybiyay 50 Qoys Oo Kamid Ah Qoysaska Danyarta Ah Ee Ku Nool Hargeysa + SAWIRRO

Home 
    

Barnaamijka Afurkalaal Oo Ay Soo Agaasimeen Dhalinyaro Mutadawaciin Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ayaa Raashin loogu Qeybiyay Qoysaska Danyarta ah Kaasi oo ay iska Kaashadeen Aqoonayahan, iskood isku Abaabulay, oo Kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gudaha Dalka iyo Dibadiisaba ku Sugan ayaa Maanta u Qeybiyay 50 qoys oo Kamid ah danyarta Ku Nool Caasimada Hargeysa, Raashin Ku Filan oo Loogu talagaley in ay Ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Qoysaska loo Qeybiyay Raashinkan, oo u Badan kuwa aan Awoodin in ay Dabka Shitaan, ayaa siweyn uga Mahad Celiyay Raashinka ay Soo gaadhsiiyeen Dhalinyarada Afurkalkaal iyadoo ku tagalku yahey in la Gaadhsiin Doono, ilaa 1000 Qoys oo Danyar ah mudada lagu Gudajiro Bisha barakaysan ee Ramadaan, Iyadoo ay Maanta bilaw u aheyd 50 Qoys oo Danyarta kamid ah Ialamarkaana, ay Kaalmadani ka daboolayso kaalin Muhiim ah oo ay Baahi Weyn u Qabeen kadib Marka loo Fiiriyo sida ay ugu Farxeen Raashinkaasi Caawimada ah ee Loo qeybiyay.

Waxa kale oo Deeqdani, ay Kaalinta Xasanaadka u galaysaa dhalinyardaa aqoonyahanka ah ee Afurkalkaal oo iyagu si iskood ah isku Xil qaamay in ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Gaadhsiiyaan 1000 Qoys oo Kamid ah Bulshada Danyarta ah ee aan Awoodin in ay Raashin intaa leeg Soo iibsadaan.

    

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir