fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaSomaliland oo Sheegtay In Adduunkii oo Dhami Xoogiisii iyo Lacagtiisii-ba Geliyay Muqdisho

Somaliland oo Sheegtay In Adduunkii oo Dhami Xoogiisii iyo Lacagtiisii-ba Geliyay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland
    

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland ahna kusimaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa sheegay in adduunkii xoog iyo maal ba iskugu geeyeen dowlada Soomaaliya, Somaliland na iska indhatireen.

Wasiir Liibaan oo faah faahin ka bixiyay baaq ay dhawaan wasaaradiisu kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo mucaaradku ay 2 sano ka heshiin waayeen doorashooyin dad ban.

Liibaan ayaa taa badalkeeda sheegay in Somaliland ay qabsatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah loona baahanyahay in caalamku eego.

“Waxay 2 dii sano ee u danbeeyay ku muransanyihiin doorashooyin dadban, oo boqolal qof ay dooranayan madaxweynaha, Somaliland na doorashooyin fara badan baa ka dhacay” ayuu yidhi Wasiir Liibaan.

“Imikana doorashooyin isku sidkan oo xiligoodii laga soo hor mariyay, ayaa ka dhacaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kusimaha wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay in adduunkii lacag iyo xoog ba iskugu geeyeen Soomaaliya laakin anay waxba is badalin.

“Adduunkii oo dhami xoogiisi iyo lacagtiisii ba wuxuu galiyay Muqdisho, oo ilaa hada aan wax horumar ah laga gaadhin, haday noqoto dowlad dhis, nabad galyo iyo doorashooyin ba” ayuu yidhi Wasiir Liibaan.

Waxuna sheegay in baaqii ay dhawaan wasaarada arrimaha dibadu kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya looga danlaha in caalamka la tuso waxay Somaliland qabsatay iyo in ay Somaliland la shaqeeyaan.

Hadalka kusimaha wasiirka ayaa imanaya xili ay dhawaan wasaaradiisu soo saartay waraaq ay kaga dayrinayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada, madaxda maamulada iyo mucaaradka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)