fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaSaudi Arabia iyo Iran oo Yeeshay Wada-hadallo Toos Ah

Saudi Arabia iyo Iran oo Yeeshay Wada-hadallo Toos Ah

Iran And Saudi Arabia
Iran And Saudi Arabia
    

Saraakiil sare oo ka kala socda dalalka boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ayaa wada-hadallo toos ah yeeshay iyagoo isku dayaya in ay hagaajiyaan xidhiidhkooda, afar sano kadib markii uu go’ay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal, sidaasina waxaa Axadda maanta ah warisay jariidadda Financial Times oo soo xiganaysa saraakiil ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wareegga koowaad ee wada-hadallada Sacuudiga iyo Iiran ayaa 9-kii bishan ka dhacay magaalada Baghdad, oo waxyaabaha lagaga hadlay ay ka mid ahayd weerarrada ay kooxda Xuuthiyiinta ee garabka ka hesha Iran ku qaaddo dhulka boqortooyada Sacuudiga, sida ay Financial Times ka soo xigatay mid ka mid ah saraakiisha.

Financial Times ayaa sidoo kale ku warrantay in sarkaal sare oo Sacuudi ah uu beeniyay in wax wadahadal ah lala galay Iran.

Telefishanka Al-Mayadeen ee dalka Lubnaan oo taabacsan Iran iyo wakaaladda wararka ee Unews ayaa labaduba soo xigtay ilo Iiraaniyiin ah oo diiday wada-hadalka Sacuudiga.

Warbixintan ayaa timid iyada oo Washington iyo Tehran ay isku dayayaan in ay soo nooleeyaan heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii kaasi oo Riyadh diidan tahay, iyo xilli ay dowladda Mareykanku waddo cadaadis ah in la joojiyo dagaalka Yemen, oo loo arko mid ay ku herdamayaan Saudi Arabia iyo Iran

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)