fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaRoobabkii Gu’ga oo Ka Curtay Somaliland

Roobabkii Gu’ga oo Ka Curtay Somaliland

Roobabka Gu'ga
Roobabka Gu’ga
    

Waxaa qaybo ka mid ah goboladda iyo Degmooyinka Somaliland ka curtay roobakii gu’ga, iyadoona roobakani ay biyo dhigeen deeganada ay ka da’een islamarkaana dadka iyo duunyaduba ay ka cabeen.

Deegaano badan oo Somaliland ah waxaa bilihii la soo dhaafay ka taaganaa abaaro aad u ba’an oo saameeyay dad iyo duunyaba, iyadoona ay arintani sababtay in dadkaasi ay qaxaan guryahoodii.

Dhibaatada ugu badan ee deegaanadaasi ka jiray ayaa ahayd biyo la’aan, maadaama aanay jirin ceelal biyood oo deegaanadaasi ka qadon islamarkaana ay dadku ka cabaan.

Roobab Dabayla wata Oo ka da'aya Puntland – Idil News

Magaalooyinka iyo Deegaanada ay roobabkaasi gu’gu ka curteen waxa ka mid ah Boorama, Wajaale, Gabiley, Sanaag, Daad-madheedh, Dila, Cali-xaydh, Baki iyo qaybo ka mid degmada Qolu-jeed.

Qaar ka mida maamulada gobolada iyo degmooyinkaas ay ka curteen roobabkaasi ayaa sheegay in roobabkaasi aanay wax dhibaato ah u gaysan magaalooyinkaas iyo deegaanadaas ay ka curteen, waxaanay intaas ku dareen in magaalooyinkaas iyo deegnaanada aanay roobabkaasi ka di’inna uu ka jiro jawi roobban ahi, daruurana ay dul hoganayaan.

roob | Somalidiasporanews.com

Reer guuraaga iyo beeralleyda ku nool deegaanada Somaliland ayaa sheegay in roobabkaas ay ku diirsadeen maadaama roobabkii gu’gu ay sannadkan dib uga dhaceen xiligii la filayay.

Geesta kale, Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa maanta bilowday in ay beeralayda dalka u qaybiso abuur waddani ah oo ka kooban Galay, hadhuudh iyo Diggir.

Akhriso: War-bixinta Roobabkii Karanta Ee Somaliland Ka Da'ay Bilihii July  Illaa September, 2019 – HargeisaPress

Abuurkan Waddaniga ah oo muddo 3 sano iyo badh ah ay waasaaradu ku kaydinaysay xarunta cilmibaadhista beeraha ee Abuuriin, ayaa la gaadhsiin doona beeralayda.

Wakhtiyada roobabku ka da’aan Somaliland ayaa dooxyada waa weyn ee u dhaxeeya gobolada dalku waxay qaadaan gaadiid iyo dad doonaya inay ka gudbaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)