fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Agabka Xanuunka Covid-19 U Qaybisay Imaamadda Masaajida

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Agabka Xanuunka Covid-19 U Qaybisay Imaamadda Masaajida

    

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta Xawaalada WolrdRimit kala wareegay 1 Milyan oo agabka lagaga hortago xanuunka Covid 19 oo loo qeybin doono dhamaan masaajidada dalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in masaajidada dalka loo qeybin doono af saabka balse maanta ay ku bilaabayaan 21 masaajid  oo ah kuwa magaalada Hargeysa ugu waaweyn.

Waxa sidoo kale wasiirku sheegay in shirkada Wolrd Rimit ay  soo gaadhsiiyay dawada jeermis dilaha ah ee loogu talo galay in lagu fara xasho oo iyana ay soo rari doonaan, taasoo qeyb laxaad leh ka qaadan doonta ka hor taga xanuunada faafa gaar ahaan Covid 19.

Wasiirku waxa uu u mahad celiyay shirkada Wolrd Rimit iyo dadka saamiyada ku leh  doorka ay kaga jiraan ka hor taga xanuunka. isagoo Ilaahay uga barayay in uu miisaanka xasanaadka ugu diro, waxa sidoo kale uu u mahad celiyay masuuliyiinta Masaajidada ee kasoo qeyb gashay xaflada lagu qeybinayay wejiga koowaad ee qeybinta afsaabka.

Waxa iyaguna halkaasi hadalo la xidhiiidha xaflada kasoo jeediyay qaar ka mida Culimada wasaarada iyo Caasimada Hargaysa  oo u mahad celiyay Shirkada Xawaalada Wolrd Rimit.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)