fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaMaxay Ka Wadahadleen Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamku?

Maxay Ka Wadahadleen Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamku?

Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
    

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Teendhada Afisyooni shir kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya, kaddib markii uu Baarlamaanku meelmariyay dhawaan muddo kororsi laba sano ah.

Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa la sheegay in ay Farmaajo u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in aanu markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is faham in la isku soo laabto.

Kulanka waxa ka qaybgalay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga, Safiirrada UK iyo Maraykanka Kate Foster iyo Donald Yamamoto oo matalayay beesha caalamka.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inay si cad ugu sheegeen madaxweynaha Soomaaliya cawaaqibka ka iman kara go’aanka muddo korodhsiga, sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen.

Xubnaha beesha caalamka ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu is beddeli doono iskaashiga beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya oo ay arrintan saamayn doonto.

Waxay ugu baaqeen in wada xaajoodka arrimaha doorashada Soomaaliya dib loo bilaabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)