Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Ciidamada Milateriga Ku Amray Inay Talaabo Ka Qaadaan Beelaha...

Madaxweyne Biixi oo Ciidamada Milateriga Ku Amray Inay Talaabo Ka Qaadaan Beelaha Ku Diriraya Deegaanka Xudun

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi
    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo diriri ku dhex martay Deggaanka Dhabar-Dalool ee gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi ayaana faray maamulka gobolka Sool iyo Hay’addaha amnigaba in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo nabada doc wareemaysa.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland, waxanu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.

Dagaalkaas oo ka dhacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay.

Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool,

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version