fbpx
Monday, May 20, 2024
HomeWararkaKu Xigeenka Xoghayihii Hore Ee Mareykanka U Qaabilsanaa Afrika oo Caalamka Ku...

Ku Xigeenka Xoghayihii Hore Ee Mareykanka U Qaabilsanaa Afrika oo Caalamka Ku Soo Jeediyey Somaliland

Ambassador Tibor Nagy
Ambassador Tibor Nagy
    

Ku xigeenkii xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, noqdayna Safiirka Maraykanka ee Dalalka Guinea iyo Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa ka hadlay Faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxda Dawladda Soomaaliya sii wadayaan khiyaamada ay ku sameeyeen Beesha Caalamka, ka dib markii Muddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo-xileedkiisu dhamaaday bishii Februay ee sannadkan 2021.

Nagy wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho, laakiin Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa mar kale khiyaameeyay bulshada caalamka, iyaga oo kordhiyay Muddo-xileedka Farmaajo”.

Nagy oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka dayriyey aaminaad la’aanta siyaaaseed ee Madaxda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii socoto keeni doonta Cawaaqib xumo.

“Way sii wadi doonaan (Khiyaamada) ilaa ay ka dhalanayaan cawaaqib dhab ah” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in Bayaankii Somaliland ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya ee xilligan aanu ahayn oo keliya Bayaan, balse Somaliland tahay mid hagaagsan “Bayaannada Somaliland, ma aha Bayaan oo keliya, balse waxay u muuqataa mid hagaagsan oo ka wanaagsan Soomaaliya”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir