fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaErgooyin Nabadeed oo Gaadhay Deegaanka Xudun Ee Gobolka Sool

Ergooyin Nabadeed oo Gaadhay Deegaanka Xudun Ee Gobolka Sool

    

Wafti uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Sool oo ka kooban madax-dhaqameed iyo masu’uuliyiin kale ayaa maanta u baxay deegaanka Xudun, si loo joojiyo Colaada ka socota deegaankasi.

Waxaa lagu soo waramayaa in xaalada deegaanka Dhabardalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ay degan tahay maanta kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ka socdey dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Geesta kale ciidamada Milatariga Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo shalay illaa maanta gaadhay deegaankaasi, ayaa ku guuleystay in ay kala raraan maleeshiyaad beeleedkii ku dagaalamay degaankaas.

Waxa isa-soo taraaya baaqyada nabadaynta ah ee loo dirayo ardaayada wallaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay kadib markii mid ka mid ah labada Beelood doonaysay inay Ceel-biyood ka qodato deegaanka Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, balse ay Beesha kale u aragtay inay deegaamayn wadaan, sidaasi darteedna ay diideen, taasi oo dagaalka dhalisay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir