Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaGolaha Wakiillada oo Laalay Xeerka Tamarta oo Dhowaan Xukuumaddu U Soo Gudbisay

Golaha Wakiillada oo Laalay Xeerka Tamarta oo Dhowaan Xukuumaddu U Soo Gudbisay

    

Fadhi ay maanta yeesheen Xildhibaanadda golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ay ku laaleen wax ka baddel lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland oo maalmihii u danbeeyay horyaalay golahaasi.

Kulankan oo ay soo xaadireen inta badan mudanayaasha golahasi, ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Xeerkan oo ahaa mid ay golaha u soo gudbisay xukuumaddu ayay goluhu hore u ansixiyeen, isla markaana ay ku sameeyeen wax ka baddel iyo kaabis, mudanayaashii ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa qodob qodob isu dultaagay wax ka baddelkii lagu sameeyay xeerkaasi.

Gaba-gabadii guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha ka codsaday inay ansixyaan hal mar xeerka oo isku duuban, halkaasi oo 31-mudane u codeeyeen xeerkii hore, laba xildhibaana ay diideen, toban kalena ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in guud ahaanba ay laaleen golaha Wakiilladu wax ka baddel iyo kaabistii lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland.

Guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay sidii loogu kala coddeeyay xeerka tamarta Somaliland waxaanu yidhi. “Kow iyo sodon xildhibaan ayaa ansixiyay, laba waa diiday, toban waa ka aamuseen guddoomiyuhuna muu coddeyn waxaanu xeerku ansax ku yahay sidii loogu kala coddeeyay,”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)