fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSomaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Ka Hadlay Curashada Bisha Ramadan

Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Ka Hadlay Curashada Bisha Ramadan

Home 
    

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay inay  isha ku hayaan curashadda bisha Ramadaan.

Iyadoo ay jiraan masuuliyiin ay wasaaradu u xil saartay in ay si gaara ula socdaan, isla markaana ay isha ku hayaan sida dalalka islaamku ula socdaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiir Khaliil  iyo xubno ka mid ah culimada wasaaraadda diinta iyo awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa  waxay tilmaameen in bisha Shacbaan ay berri noqonayso 29.

Sidaas darteedna in la filayo in ay Salaasadda soo socota ay curato bisha barakaysan ee Ramadaan.

Geesta kale, wasiir Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin u diray cidkasta oo aragta bisha barakaysan ee Ramadaan inay la soo xidhiidhaan guddida dhawaan wasaaraddaasi u saartay xaqiijinta dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)