Friday, April 19, 2024
HomeWararkaSafiirka Somaliland Ee UK Oo Qaabilay Weriye Mary Harper

Safiirka Somaliland Ee UK Oo Qaabilay Weriye Mary Harper

Home 
    

Safiirka Somaliland u qaabilsan dawladda Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayax-weerar), ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Tifatiraha arrimaha Afrika ee  BBC Mrs. Mary Harper.

Wakiilka iyo weriyaha ayaa isla soo qaaday arrimo la xidhiidha dhamaystirka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee qaadashada kaadhadhka iyo saamaynta aafada xanuunka COVID.

Sida lagu baahiyey warsidaha xafiiska Somaliland ee Ingiriiska & Barwaaqo-sooranka oo shalay soo baxay ayaa lagu sheegay in Qoraaga caanka ah iyo Tifaftiraha Afrika ee Wakaaladda Wararka BBC, Mary Harper, ayaa soo booqtay xafiiska Somaliland ee Ingiriiska & Barwaaqo-sooranka ee London.

Safiirka Cabdi Cabdillahi Xirsi iyo Mary Harper, waxay ka wada hadleen dhinacyo badan oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin gabagabada diiwangalinta cod bixiyaasha ee qaadashada kaadhadhka, diyaar-garowga doorashooyinka soo socda iyo saamaynta aafada Covid-19 ku yeelatay dhinacyada dhaqan-dhaqaale ee dadka reer Somaliland, gudaha iyo dibeddaba.

Warsidaha Xafiiska Somaliland ayaa sidoo kale lagu baahiyey warbix ku saabsan xidhiidhka caalamiga ee Somaliland iyo guulahii u dambeeyey ee laga gaadhay, iyo macluumaad la xidhiidha fursadaha maalgashiga Somaliland sida Xoolaha, Beeraha Kaluumaysiga, Tamarta, Shidaal, Macdanta iyo Dalxiiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version