fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Sool Oo Guddiyo U Magacaabay Covid-19 iyo Abaarraha

Badhasaabka Sool Oo Guddiyo U Magacaabay Covid-19 iyo Abaarraha

 

    

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa magacaabay laba guddi oo  ka hawl-gelaya arrimaha wacyigelinta caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashadda abaarraha.

Kadib markii uu badhasaabka xafiiskiisa kulan kula yeeshay isku-duweyaasha gobolka Sool, kaasoo diiradda lagu saaray arrimaha Covid-19  iyo abaarraha.

Guddiyadaasi oo isugu jira isku-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda  ee  ka hawl gala gobolka Sool waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool.

Badhasaabka Sool  oo  faahfaahin ka bixinayay kulankaasi iyo arrimihii lagu gorfeeyay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta shirka toddobaàdlaha ah ee aan la yeelanno isku-duweyaasha gobolka Sool, aanu diiradda ku saarnay arrimaha Covid-19  iyo abaarraha.

Guddiga Covid-19 oo horre u jiray ayaan sii xoojinay, halka gudi kalena aan u xilsaarnay abaaraha. Waxaana hormood u noqon doona guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool.

Waxaan ku boorinaya Bulshada gobolka, haayadaha iyo dhinacyada ku tacaluqa ka hortegga iyo la tacaalidda Covid-19, inay guddiga qaabilsan ay kala shaqeeyaan qaddiyadaha ku saabsan maaraynta safmarkan”.

Geesta kale badhasaabka ayaa xanuunka Coronavirus ku tilmaamay musiibo bini’aadanimo oo dunidoo dhan soo waajahday.

“Covid-19 waa masiibo ba’an oo dunidu waajahday, waxaa maaraynteeda dhib ka haystaa dawladaha ugu horumarsan caalamka . Dedaalka xooggan ee aan ka galnay iyo miisaankiisa waa mihiim in aynu fahansannaano.

Guddiga 2-aad ee arrimaha abaaraha, oo ka kooban  gudoomiye ku-xigeenka gobolka Sool (Gudoomiye)

Isku-duwaha haayada Nadford

Isku-duwaha wasarada Xanaanada Xoolaha

Isku-duwaha Wasarada Beeraha

Isku-duwaha Wasarada Deegaanka

Isku-duwaha Wasarada Qorshaynta

Isku-duwaha Wasaarada Biyaha

Isku-duwaha Qaxoontiga iyo Barakacayaasha

Xoghayaha Gobolka Sool”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaa  xil ka saaran yahay in xog uruurin deg-dega ay ku dhaqaaqaan si macluumaad dhaba loo helo. Ganacsatada, qurba joogta gobolka, Culimada iyo qaybaha kale ee bulshada, waxaan ka codsanayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan.

Maalmaha soo socda haddii Rabbi idmo, waxaa bilaabanaysa bisha barkaysan ee Ramadaan, Allaah nabad ha inagu gaadhsiiyo acmasheeda qiimaha leh-na kuwii ka faa’iidaysta Rabbi ha inaga yeelo”.

Gebagebadii badhasaabka Sool ayaa bulshadda ku baraarujiyay in ay ALLE SWT baryaan, si uu musiibooyinka taagan uga kor qaado.

“Ugu danbayn bulshada waxaan ku boorinayaa in wada-jir Rabbi loo baryo si uu inooga dulqaado Safmarkan Covid-19  iyo abaaraha.

Waxaan baayac-musharka u jeedinayaa inay u naxariistaan bulshadooda, madaama bisha barkaysa-na ay bilanayso” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay guddoomiyuhu.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir