fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaWargeys Caalamiya Oo Ka Warramay Siyaasadda Dawladda Somaliland Ciyaartay, Markii Itoobiya Xidhiidhka...

Wargeys Caalamiya Oo Ka Warramay Siyaasadda Dawladda Somaliland Ciyaartay, Markii Itoobiya Xidhiidhka Cusub La Samaysatay Somaliya!

Wargeyska International Policy Digest, ayaa ka warramay wixii Somaliland ka faa’idday Wada-hadalladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti.

Wargeysku wuxuu sheegay in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti Xagaagii hore uu isku beddelay mid dadban u xoojiyey siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland “Wareeggii u dambeeyay ee Wada-hadalladii Muqdisho iyo Hargeysa xagaagii u dambeeyay ku yeesheen Jabuuti, si deg-deg ah ayuu isku rogay.” Ayuu sheegay International Policy Digest, waxaanu intaa sii raaciyey “Natiijadii ka soo baxday (Wada-hadalladaasi) waxay si aan toos ahayn ama Dadban u xoojiyeen siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.”

Wuxuu intaa ku daray, in xilliga Wada-hadalladii Jabuuti ay faa’iidada u noqdeen siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland, weli Muqdisho ka taagan yahay khilaafka Dastuuriga ah ee dhinacyada Soomaaliya.

International Policy Digest, waxa kale oo uu ka warramay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee ku aaddan Xaaladda bariga Afrika, waxaanu sheegay in markii Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu xidhiidh diblumaasiyadeed oo cusub la samaystay Dawladda Muqdisho uu hoos u dhacay xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa, laakiin Madaxweynaha Somaliland uu marti-qaaday Masar isla-markaana ay Wufuud Masaari ahi booqasho ku yimaaddeen Hargeysa, isla-markaana ay Somaliland ka wada-hadleen xidhiidh Ganaci iyo Maalgeshi Masar ku samaysato Somaliland iyo weliba in Masar ay Saldhig Ciidan ka samaysato Somaliland.

Wargeyska International Policy Digest oo qoraalkiisa sii wataa, wuxuu sheegay in Itoobiya ku baraarugtay Wufuudda Masaarida ah ee Hargeysa yimid, taasina ku khasabtay Abiy Ahmed inuu Wefti culus oo ku jiraan Saraakiil amaan uu u soo diro Somaliland, markaasi ka dibna ay labada dhinac ka wada-hadleen in dib loo abuuro xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Addis Ababa la lahayd Hargeysa, ka hor inta aanay xidhiidhkeeda u weecin dhinaca Muqdisho.

Jariiraddu waxay War-bixinteeda sii raacisay, in Abiy Ahmed oo ku baraarugsan khatarta ay Itoobiya ku keenayso Saldhig Ciidan oo jaarkeeda ay ku yeelato Masar, uu bishii September ee sannadkii 2020 uu Abiy Ahmed mar kale soo diray Wefti isugu jira diblumaasiyiin iyo saraakiil amaan, si loo sii ambo-qaado xidhiidhkii cusbaa ee Somaliland iyo Itoobiya, arrintaasi oo Wargeysku ku macneeyay sida Itoobiya aanay iskugu miisaami karin xidhiidhka ay la leedahay Muqdisho iyo Hargeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)