fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaalqabeen Wargeyska The Guardian u Faahfaahiyey Hay’ad uu ku Taageerayo Adeegyada Caafimaadka...

Maalqabeen Wargeyska The Guardian u Faahfaahiyey Hay’ad uu ku Taageerayo Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada Somaliland

    

Ismaaciil Axmed oo ah Aasaasaha iyo Mulkiilaha Shirkadda Caalamiga ah ee World Remit, ayaa shaaciyey inuu aasaasay Hay’ad cusub oo taageeri doonta adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa uu Ismaaciil Axmed ku sheegay warbixin uu ka qoray Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA,waxaanu maalqabeenku xaqiijiyey  inuu aasaasay Hay’adda Sahamiye Foundation oo  uu kala badh hantidiisa gelin doono tobanka sannadood ee soo socda, waxaanay Hay’addaasi 500 oo Milyan oo Doolar ku saacidi doontaa adeegyada Caafimaad iyo waxbarashada hoose ee aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ganacsade Ismaaciil Axmed waxa uu tilmaamay  in Hay’adaha dhaqaalaha ee aan ka shaqeynin Somaliland ay caqabad ku tahay fursadihii maalgashi ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka kasban lahayd Caalamka.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dhaqaalaha ay soo ururiyaan Hay’adaha caalamiga ahi qadar aad u yari ka gaadho bulshada reer Somaliland.

Ismaaciil Axmed waxa uu Wargeyska The Guardian u sheegay inay  Jamhuuriyadda Somaliland caalamka tusaale wax ku-ool ah ugu noqonayso waxqabsiga iyo isku-tashiga hoosta laga soo bilaabo. Waxaanu ku dooday in Somaliland wax qabasatay iyadoo aan cid kale ka helin taageero.

Ganacsade Ismaaciil waxa uu tilmaamay in Warbaahinta caalamiga ahi ay xoogga saaro waxyaabo khaldan, hase ahaatee waxa uu xusay inay Somaliland tahay qaddiyad dhacdo ahaan guulaysatay.

Wargeyska The Guardian wuxuu Somaliland ku sifeeyey dal madaxbannaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya oo ku naaloonaya dawladnimadiisa gaarka ah, isla markaana leh Baarlamaan, Lacag iyo Ciidammadiisa Ammaanka.

Warbixintaasi waxa ay sheegtay Ismaaciil Axmed uu Ingiriiska ku soo galay qaxoontinimo sannadkii 1988kii, markii Somaliland uu ka dhacay dagaalkii, waxaanu Ingiriiska iyo Somaliland ka hirgaliyey sannadkii 2010kii mid ka mid ah shirkadaha farsamooyinka casriga ah u xawila lacagaha.

https://www.theguardian.com/global-development/2021/apr/09/aid-agencies-can-be-harmful-says-somaliland-tycoon

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)