Friday, March 24, 2023
HomeWararkaGo’aamadii Xukuumada Ku Xadidaysey Faafidda Xanuunka Covid_19 Oo Aan Weli Hirgelin Iyo...

Go’aamadii Xukuumada Ku Xadidaysey Faafidda Xanuunka Covid_19 Oo Aan Weli Hirgelin Iyo Fahamka Dadka Ee Xanuunka Oo Weli Liita

Go’aamadii dhawaan Guddiga la dagaalanka Xanuunka Covid-19 soo saareen, si looga gaashaanto Xanuunkaasi, ayaan illaa wax muuqdaa ka fulin.

Guddiga ayaa sheegay in Xadhig iyo Ganaax la dul-dhigi doono Cidda fulin wayda Go’aammada lagula dagaalamayo Xanuunka Covid_19 oo faro-baas ku haya Dalka, laakiin Go’aammadaasi oo qaarkood dhiirigelinayey kala fogaanshaha Dadka ayaan u dhaqan-gelin sidii la rabay, Dadkuna waxay u dhaqmayaan sidii hore.

Haddaba, iyadoo go’aamada ay soo saareen Guddida Qaran ee ka hor taga xanuunka Covid 19, ay ka mid ahaayeen in waajib laga dhigay af gashiga ama maaska afka, oo ciddii qaadan wayda ganaax iyo xadhig la iskugu darayo ayaan ilaa hadda Guddidani talaabo ka qaadin cid kasta oo bilaa af gashi ah, inkasta oo aan Dadka qaarkood dhaqaale ahaan u awoodayn, jirina meel Dawalddu ku bixiso Af-dabool bilaash ah.

Khatarta kale ee jirta ayaa ah, inaan Shacabku ku baruurgsanayn khatarta xanuunkaasi leeyahay,  iyagoo intooda badan sidii hore ee ay iskugu iman jireen iskugu yimaadda, waxaana xusid mudan in Goobaha ay dadku sida gaarka ah ugu badan yihiin sida Suuqyada, Sariibadaha, Meharadaha la iskugu yimaaddo aanay waxba iska beddelin sidii hore.

Sidoo kale, waxa jira fahamdaro dadka ka haysata Khatarta Xanuunkaasi, iyadoo Dadka qaarkood aanay aanay illaa hadda qirsanayn ama aqoonsanayn jiritaanka Xanuunka Covid_19 “Xanuunkani ilaa hadda dalkeena muu soo gaadhin.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Dad ka hadlay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaa sii raaciyey isla-markaana uu sheegay inuu aaminsan yahay in Dawladdu lacag ku cunayso sheeg-sheegidda Xanuunka “Mashruuc baa lagu cunayaa.”

Mid kale ayaa sheegay “Dalkeena cimiladiisa ayaa kulul oo xanuunkani kuma noolan karo..” sidaa waxa qaba mid ka mid ah Dadka Geeska Afrika la hadlay, waxaanu intaa sii raaciyey “Ama Covid_19 ha ku dilo ama xanuun kale ha ku dilee, marka wakhtigaagu dhamaado waad dhimanaysaa..”

Hadalka Dadka ka soo yeedhaya, ayaa muujinaya inaan Dawladdu samaynin wacyi-gelintii loo baahnaa, si Dadka loo fahamsiiyo inta ay leeg tahay khatarta jirtaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)