Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta kormeeray Wadadda Berbera corridor ee isku xidhaysa wadamadda Somaliland iyo Itoobiya oo uu dhismaheedu socdo.
Waxaana ka mid ahaa weftigaasi wasiirrada maaliyadda, ganacsiga iyo dalxiiska iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo kormeerkoodda ka bilaabay mashruuca Berbera corridor qaybtiisa Wajaale.