Maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aanu jirin wax fashil ah oo ku yimid shirkii u dhexeeyay dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyadda Soomaaliya.
Waxaanay Jubbaland iyo Puntland dhinac isaga leexiyeen eedaymo uga ymid dawladda federaalka Soomaaliya, oo la xidhiidhay in ay iyagu masuul ka yihiin fashilka shirkii maanta.
Kadib markii ay dawladda federaalka Soomaaliya galabta shaacisay in shirkii u dhexeeyay maamul goboleedyadda iyo dawladda federaalka uu fashilmay.
Wasiirrada wasaarradaha warfaafinta ee Puntland iyo Jubbaland oo arrinataasi ka jawaabayay ayaa sheegay in shirkaasi uu sii socon doono, isla markaana aanu xagoodda ka fashilmin.