fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMuqdisho: Shirkii Madaxda Soomaaliya Oo Mar Kale Fashil Ku Soo Dhamaaday

Muqdisho: Shirkii Madaxda Soomaaliya Oo Mar Kale Fashil Ku Soo Dhamaaday

    

Waxaa mar kale fashil ku soo dhamaaday shir u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dawlad goboleedyadda Soomaaliya, sida ay shaacisay dawladda Soomaaliya.

Shirkaasi oo ka socday xarunta ciidanka circa Afisyoone ee garoonka diyaaraha Muqdisho, ayaa  u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo ay wehelinayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo raysal wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Abokor Cismaan Dubbe, oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Puntland aanay rabin in ay dalkan ka dhacdo doorasho uu aasaaskeedu yahay 17-kii bishii September iyo is-fahamkii 16-kii February.

Arrintaasi ayuu wasiir Dubbe, ku tilmaamay wax laga xumaado in labadaa madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland jiho-diid aan doorasho ogolayn.

Halka baa uu yidhi ay dawladu mar walba diyaar u ahayd in arrintaasi la xaliyo, isla markaana ay marar badan  intaas oo gogolood iyo shirar  ah ay qabatay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)