Wareegtadan uu soo saaray wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa nuxurkeedu yahay dib u cusbooneysiinta hirarka isgaadhsiita iyo adeegsiga Muuq-baahiyayaasha (Cable TV).
Wasiirka ayaa dhamaan shirkadaha ka shaqeeya adeegaas faray in ay dib u u soo cusboonaysiiyaan ruqsada Hirarka isgaadhsiinta ee ay hore u haysteen, iyagoo soo buuxinaya foonka ay wasaaradu adeegaa u dhigtay.
Sidoo kale, Shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka ee aan ka diwaangashanayn wasaarada ayuu wasiirku faray in ay isa-soo diwaangeliyaan oo ay qaataan ruqsada hirarka isgaadhsiinta.
Shirkadahaasi ayaanu ku amray inay si deg deg ah ku hergeliyaan wareegtadaas ay wasaaradu soo saartay oo ka bilaabmaysa mudo 30-maalmood ah oo ka bilaabmaysa 5 bisha April 2021 ilaa 5 May.
Hoos ka akhriso wareegtada