fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaTalaalka Covid-19 La Gadhsiinayo Cisbitaalka Dhimirka Hargeysa

Talaalka Covid-19 La Gadhsiinayo Cisbitaalka Dhimirka Hargeysa

    

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay cisbitaalka Dhimirka ee magaaladda Hargeysa gaadhsiin doonto tallaalka xanuunka Covid-19.

Agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeya ayaa sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi yihiin kuwa dawladu ka masuul tahay isla markaana wixii daryeelkooda dhanka caafimaadka ah.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar ayaa isna sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi ay yihiin kuwo nugul oo aan haysan cid u hadasha.

Dr. Axmed Cumar Askar ayaa intaas ku daray in hawl-wadeenada cisbitaalku ay xil iska saari doonaan sidii dadka ku jira cisbitaalka dhimirku ay u heli lahaayeen tallaalkaas.

Agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka ayaa sidoo kale soo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalka lagu xannaaneeyo dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee magaalada Hargeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)