fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaSaraakiil Ka Soo Goostay Ciidammada Soomaaliya oo Somaliland Isu Soo Dhiibay, Cafisna...

Saraakiil Ka Soo Goostay Ciidammada Soomaaliya oo Somaliland Isu Soo Dhiibay, Cafisna Dalbaday

    

Saraakiil ka soo goostay Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay Masuuliyiinta Ciidanka Somaliland ku soo dhaweeyeen Hargeysa, ka dib markii ay ka soo goosteen Soomaaliya.

Saraakiishan oo kala ah; Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac, Laba Xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, Xiddigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi, ayaa markii maanta lagu soo dhaweeyey Miiska Saraakiisha Ciidammada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxay la hadleen Warbaahinta, waxaanay ka warrameen sababaha ay u soo goosteen.

Saraakiishan ka soo goostay Ciidanka Soomaaliya oo afar Sarkaal ka kooban, ayaa Cafis ka dalbaday dowladda iyo dadka Somaliland, iyagoo sheegay inay dembi ka galeen Qarankooda Somaliland oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, balse ay hadda qaladkoodii hore saxeen oo ay Somaliland uga faa’iidayn doonaan aqoonta ay ku soo barteen dalal dibedeed.

Afartan Sarkaal, ayaa sheegay inay Dadka Soomaaliya uga digayaan dhibaatooyin loo maleegayo oo ay iyaga ula muuqatay inaanay qayb ka noqon dhibaatooyinkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)