fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXasan Sheekh oo Shaaciyay Qorshe La Doonayay In Lagu Dilo Isaga iyo...

Xasan Sheekh oo Shaaciyay Qorshe La Doonayay In Lagu Dilo Isaga iyo Sheekh Shariif

Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
    

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in 19-kii February la qorsheeyay in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta Radio Kulmiye ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed

 ee Soomaaliya, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana ayna kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga ahayn.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas aanu dheg jalaq u siin.

“Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci maaha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayayna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliya ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaadhi doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Anagoo banaanbax nabadeed ku baaqnay oo meeshii banaanbaxa agteeda u sii hoyanay, meeshii banaanbaxu ka dhici lahaa hala baadho odhanay, yaan dadka miino iyo wax loogu aasine, ayay ciidamada dowladdu nasoo weerareen, laakiin tabarta ayaa u deyrisay ee u jeedadu inay na dilaan ayay ahayd, kadibna iska hor imaad ayay ku dhinteen la yidhaahdo, intaas oo jeer ayaa guryaheena ciidan lasoo hor dhigay oo wiilasheena aan guryaha ku celinay, marka madaxweynahan waa nin raba inuu colaad ka shaqeeyo.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladda Soomaaliya daandaansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse ayna bixin jawaabtii laga doonayay oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

“Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayay isku dayday inay na geliso meel intaan cadhoono aan ku qaylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala hadh, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta cadhoodaan ha dagaalamaan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi, “Maanta wadada kaliya ee furan waa in la wada-tashado, madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay isagaa wax qaban waayay, maanta waxaa laga rabaa qof kasta inuu yidhaahdo siday kula tahay, taasna waa lagu kari la’yahay, Soomaaliya xaaladeedu meel xun ma tagi doonto ayaan qabaa, ee shakhsiyaadka dhibka badan iyagaa iska bixi doona, laakiin halka ay hadda joogto markii la eego, hadii aan siyaasadda laga heshiin, wax kasta waa sii qaribmaayaan.”

Mar wax laga weydiiyay sababta loo aas-aasay Madasha uu ka tirsan yahay ee Badbado Qaran ayuu yidhi, “Maadaama ay dhamaatay sharciyadii hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya, waxaan Madasha Badbado Qaran u sameynay in dalkan loo jiheeyo doorasho xalaal ah oo aan la is boobin, hadii doorashadu xumaato dhib badan ayay leedahay, umana socoto madashan inta qoryo qaadato inay dalkan ku badbaadiso.

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)