Friday, March 24, 2023
HomeWararkaGolaha Wakiillada oo Ansixiyey Masuulyiin Madaxweynuhu Dhowaan Magacaabay

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Masuulyiin Madaxweynuhu Dhowaan Magacaabay

Baarlamanka Somaliland
Baarlamanka Somaliland
    

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxa ay ku ansxiyeen Masuuliyiin uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland soo magacaabay.

Fadhigan oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxaa fadhigaasi ka soo xaadiray 43 Xildhibaan.

Xildhibaannada golahaasi ayaana waxay meel mariyeen mas’uuliyiinta kala ah, wasiirka wasaaradda caddaaladda, Saleebaan Warsame Guuleed, waxaana ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Jidadka Maxamed Maxamuud Cabdi, waxa isna ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna ma codeyn.

Sidoo kale, isla fadhigaas waxa lagu ansixiyay laba xubnood oo ka tirsan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda kuwaas oo kala ahaa, Faysal Sahal Jaamac iyo Cumar Cabdilaahi Ciise, oo ay ogolaadeen 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

Golaha Wakiillada ayaana waxay cod aqlabiyad ah sidaasi ugu meel mariyeen dhammaan mas’uuliyiintaasi la horkeenay, kuwaas oo xeerku siinayo in ay waajibaadkooda sharci ka gutaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)