Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaCiidamada Eritrea Oo Bilaabay Inay Isaga Baxaan Gobolka Tigray

Ciidamada Eritrea Oo Bilaabay Inay Isaga Baxaan Gobolka Tigray

    Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo ka soo jeeda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay bilaabeen inay isaga baxaan gobolka Tigray.

Ciidamada Eritrea, ayaa ka garab dagaallamayay ciidamada Itoobiya xilliggii ay hawl-gallada ka dhanka ah TPLF ay ka socdeen halkaasi.

Jimcihii ina dhaafay ayaa dalalka ku horumaray warshadaha ee G7  ay ku baaqeen in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan gobolkaasi, isla markaana waxay cambaareeyeen dilka loo geystay dad rayid ah iyo tacaddiyo ka dhacay gobolka Tigray.

Waxay sidoo kale codsadeen in la furo marinka gargaarka banii’aadinimo lagu gaarsiinayo shacabka tabaaleysan ee ku nool gobolka ay colaadaha saameeyeen ee Tigray.

Qaramada Midoobey waxay marar badan walaac ka muujisay dhibaatada ka taagan gobolka oo adkeeyay howlaha gargaarka.

Toddobaadkan labo xero oo ku yaalla gobolka oo ay ku nool yihiin 2,000 qof ayaa la burburiyay halka dhac loo geystay shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)