fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMurashax Bookh Oo Kormeer Wacyigelineed Ku Soo Maray Deegaamo Ka Tirsan G.Gabiley

Murashax Bookh Oo Kormeer Wacyigelineed Ku Soo Maray Deegaamo Ka Tirsan G.Gabiley

    

Wefti uu hogaaminayo murashax Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), oo u sharaxan golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex, ayaa maanta kormeer la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashadda ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.

Murashaxa waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno isugu jiray madax dhaqameed ay ka mid ahaayeen chief caaqil Cabdi (Cabdi-biid), chief caaqil Cabdi Aw Yuusuf Magan, iyo xubno kale oo odayaal iyo waxgarad ah.

U jeedadda kormeerka murashax Maxamed Bookh, ayaa la xidhiidhay sidii ay bulshadda deegaamadii ay soo mareen ay ugu baraarujin lahaayeen qaadashadda kaadhka codbixinta oo maalintii saddexaad ka socoto goboladda Togdheer, Awdal iyo Maroodijeex, iyo deegaamadda hoos yimaadda.

Deegaamadda ay kormeerka ku soo mareen weftigan uu hogaaminayay murashax Bookh, waxaa ka mid ahaa Buqdhadda, Isha-gudban, iyo sidoo kale ilaa lix deegaan oo ka tirsan Woqooyiga magaaladda Gabiley.

Murashax Maxamed C/laahi Bookh, oo ka sharaxan xisbiga Waddani ayaa ah murashax u taagan doorashadda goblaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex, ee doorashooyinka la filayo in ay badhtamaha sanadkan dalka ka qabsoomaan.

Waxaanu murashaxu bulshadda deegaamadii uu kormeerka ku soo maray ku wacyigeliyay in ay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka, si ay marka la gaadho doorashadda ugu codeeyaan murashaxiintoodda.

Dhinaca kale, murashax Bookh, ayaa todobaadkii hore waxa uu 46 Booyadood oo biyo ah gaadhsiiyay deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley oo ay taagnayd biyo yaraan kadib qaylo-dhaan biyo yaraaneed oo bulshadda deegaamadaasi ka soo yeedhay.

Murashaxa oo ka jawaabayay qaylo-dhaantii bulshadda ee baahidda biyo la’aaneed ee deegaamadda Woqooyiga iyo Galbeedka Gabiley waxa uu bulshadda gaadhsiiyay.

Iyadoo ay dadweynaha deegaamadii uu Booyadaha biyaha ah gaadhsiiyay ay si weyn ugu mahad naqeen murashaxa, waxaanay balan qaadeen in marka la gaadho doorashooyinka in ay codkoodda siin doonaan murashax Maxamed Bookh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)