fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaHargaysa: Murashaxiin Baaq U Diray Komishanka Doorashooyinka

Hargaysa: Murashaxiin Baaq U Diray Komishanka Doorashooyinka

    

Murashaxiinta C/naasir Qodax, iyo Fadxi Jaamac Baaruud, ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mida goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta oo ka tirsan caasimadda Hargaysa.

Iyadoo maalintii saddexaad ay qaadashadda kaadhka codbixintu ka socoto goboladda Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer, isla markaana ay maanta ku eg tahay mudaddii wejiga hore ee  ay komishanka doorashooyinku u qorsheeyeen in ay socoto.

Labadan murashax  oo ka wada sharaxan xisbiga UCID ayaa  C/naasir Qodax,  waxa uu u tartamayaa golaha Wakiiladda, halka Fadxi Jaamac Battuun, uu isna u tartamayo golaha deegaanka caasimadda Hargaysa.

Murashaxiintani ayaa goobihii ay soo kormeereen waxay dadweynaha ku wacyigelinayeen in ay qaataan kaadhka codbixinta, isla markaana ay ka faa’iidaystaan mudadda kooban ay fursadda u haystaan.

Hase yeeshee, labadan murashax waxay sheegeen in goobaha qaarkood aanay weli dadku qaadan kaadhadhkii codbixinta qiyaas ahaana ay weli yaalaan 80%, taasoo muujinaysa in dadkii hore isku diiwaan geliyay aanay soo doonan kaadhadhkoodii.

Sababta keenay in dadweynuhu ay ka Cago-jiidaan qaadashadda kaadhka codbixinta ayay murashaxiintani ku tilmaamay in bulshadu ay ka cabsanayaan xanuunka Coronavirus.

Waxaanay komishanka doorashooyinka ugu baaqeen in la kordhiyo mudadda wejiga labaad ee kaadh qaadashadda, maadaama oo aanay weli dadku soo doonan kaadhadhkoodii.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)