fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGaalkacayo: Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Bulaacad Ay Biyo Ka Buuxeen

Gaalkacayo: Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Bulaacad Ay Biyo Ka Buuxeen

    

Saddex qof ayaa  ku geeriyooday magaaladda Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay ku duntay Bulaacad ama Suulli la qodayay.

Dhacdadaasi ayaa ka bilaabantay kadib markii nin qodayay god loogu tallo galay Suulli oo aad u dheerraa, isla markaana dhamaad ahaa ay ku soo jabeen biyaha Bulaacad kale oo ku taallay meel u dhaw halka uu ka qodayay.

Ninkaasi ayaa la sheegay in markii ay biyaha Bulaacadda kale ku soo fataheen in u qayliyay nin joogay guriga uu ka qodayay Bulaacadda.

Iyadoo kadibna ninkii kale oo isku deyay inuu bad-baadiyo ninka Bulaacadda ku jiray uu isna galay godkii oo ay buux dhaafiyeen biyo wasakh ah oo kaga soo fatahay Bulaacadii u dhawayd.

Siciid C/laahi Kulmiye, oo ah saxafi degan magaaladda Gaalkacayo isla markaana goob joog u ahaa dhacdadaasi ayaa sheegay in ay soo waceen haween ka ag dhawaa godka nimanku dhaceen.

Kuwaasoo u sheegay in laba qof ay ku dhaceen Bulaacad, isla markaana ay ku jireen muddo saacado ah. Dhacdadaasi ayaa shalay ka dhacday magaaladda Gaalkacayo.

Intaas ka dib labadii nin ee godka ku jiray ayaa u qayliyay wiil kale oo joogay guriga Bulaacadda laga qodayay, iyadoo isna uu kaga daba dhacay godkii si uu u soo bad-baadiyo.

Saddexdii nin oo godkii ku wada jira cid u soo gurmatayna aanay jirin, marka laga reebo dad shacab ahaa oo u badnaa dumar oo dedaal badan sameeyay, kuwaasoo Xadhka iyo jaran-jarooyin (salaam) u isticmaalayay bad-baadinta raggaasi.

Xili ay saddexdii ninba ku wadda dhex jireen godkii Bulaacadda ahaa, ayaa wiil ka mid ahaa dadkii soo gurmaday waxa uu go’aansaday inuu soo bad-baadiyo raggaasi, waxaanu kaga dabo-dhacay godkaasi.

Ninkaasi ayaa inta Xadhko lagu xidhay, waxa uu galay godkii ay ka buuxeen biyaha wasakhaysan, isla markaana saddexdii nin ay ku dhex jireen oo qofkii gallaa uu isla markiiba bedelmayay.

Ninkaasi ayaana saddexdii nin Xadhko kaga soo xidhay Lugaha, sidaas ayaana lagu soo jiiday saddexdii nin oo Mayd ahaa.

Waxaana halkaasi ku nafwaayay saddex ka mid ahaa raggaasi oo dhintay. Halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaadhay biyihii wasakhaysnaa, kaasoo ahaa ninkii u danbeeyay ee isku deyay inuu raggaasi soo bad-baadiyo.

Geesta kale,  qofkii u horeeyay ee godkaasi shilku ku haleelay ayaa ahaa nin maalmihii u danbeeyayba godkaasi qodayay, iyadoo uu gebagebo ku dhawaa Bulaacadaasi.

Taasoo dhibaatadu ka dhalatay kadib markii ay Bulaacad kale ku soo burqatay, sida ay sheegeen dadka la deriska ahaa.

Inta badan waxay sidan oo kale ka dhacdaa magaaladda Gaalkacayo marka Suulli ama Bulaacad kale ku soo butaacday.

Dhinaca kale, ma jirin cid u soo gurmatay raggaasi oo ka socotay maamulka Puntland ama haayadaha kale, marka laga reebo dadkii shacabka ahaa ee  ka qayb qaadanayay samato-bixinta. Marka laga reebo xaafadaha deriska ahaa oo u badnaa dumar.

Diyaar Garow La’aanta Dawladda:

Marka ay musiibooyinka noocaas oo kale ahi ay dhacaan magaaladda Gaalkacayo ama magaallooyinka kale ee maamulka Puntland, badiyaaba ma jiraan qalab ama haayad ay dawladu u diyaarisay in loogu gurmado.

Sida haddii uu Dabka ka kaco meherrado ama guryo, isla markaana ma jiraan koox u diyaarsan oo dadka samato-bxisa.

Ninkii Ka Bad-baaday Musiibadda:

Qofkii afraad ee dhaawaca ahaa ee bad-baaday ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay culus tahay, isla markaana uu Naqasku hayay, oo oxygen lagu xidhay.

Iyadoo ninkaasi ay u soo gurmadeen shaqaale ka socday haayadda bisha Cas, oo geeyay cusbitaalka magaaladda Gaalkacayo.

Halkaasoo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.Hase yeeshee, waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay saddex ruux.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir