fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka48 Qof Oo ku Dhintay Shil Tareen oo Dhacay Waddanka Taiwan

48 Qof Oo ku Dhintay Shil Tareen oo Dhacay Waddanka Taiwan

    

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku geeriyooday boqolaal kalena waa ku dhaawacmeen kaddib shil Tareen oo ka dhacay wadanka Taiwan, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda dalkaas.

Tareenkan oo ka koobnaa sadeed qeybood oo sii galayay jid dhulka hoostiisa ah ayaa la sheegay inuu ku dhacay gari u soo dhawaaday, taas oo sababtay inuu rogmado.

“Qofba qof ayuu ku dhacay, kulligeen waan is buuranay, cabsi badan ayaan dareemay, qoysas badan ayaa dadkoodii geeriyoodeen” ayay tidhi haweeney ka mid aheyd dadkii shilkan ka badbaaday.

Wasiirka gaadiidka Taiwan, Lin Chia-Lung oo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in tareenkan ay la socdeen 490 qof, wuxuuna sheegay inay ka xunyihiin dhacdadan.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas ayaa soo tabisay in dhammaan dadkii ka bad-baaday shilkan laga soo bixiyay meeshii shilku dhacay oo ay dowr saacadood ku go’doonsanaayeen, iyadoo shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa dab damisku ay dhib kala kulmeel.

Shilkan oo ka dhacay magaaladda Hualien, ee woqooyi bari Taiwan waxaa dadka dhintay ku jiray wadihii Tareenka, waxayna u badnaayee dalxiiseyaal iyo dad kale oo u baxay fasax dhaqameedka todobaadka soconaya ee dalkaas.

Booliska ayaa xiray darawalka baabuurka looga shakisanyahay inuu sababay shilkan ay ka dhalatay khasaaraha nafeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)