fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaDonald Trump oo Maxkamad Lala Koray

Donald Trump oo Maxkamad Lala Koray

Donald Trump
Donald Trump
    

Laba sarkaal oo ka mid ah booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ayaa diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, iyaga oo sheegay inuu huriyey weerarkii dhimashada lahaa ee xarunta lagu qaaday 6-dii January.

Waxay gal dacwadeedka ku sheegeen in Trump uu mas’uul ka ahaa dhaawac jidh iyo mid maskaxeed oo kasoo gaadhay weerarka.

James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, iyaga oo raadinaya madghow gaadhaya ugu yaraan $75,000 midkiiba.

Dacwadda ayaa qiil ka dhiganeysa hadalladii Trump ee kahor iyo kadib doorashadii madaxweynaha ee dhacday 3-dii November, ee uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Waxaa dacwadda lagu sheegay in Trump uu hurinayey rabshado intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxweyne ee 2020, islamarkaana uu sii xoojiyey beentiisa ah in doorashada lagu shubtay, kadib markii uu ku guuleystay Biden.

Dacwadda ayaa sidoo kale soo xigatay hadalladii uu Trump ku dhiiri-geliyey taageerayaashiisa inay 6-da January yimaadaan Capitol Hill, oo ay “Joojiyaan Xatooyada.”

Trump hore ayuu beeniyey inuu mas’uul ka ahaa dibad-baxyadii lagu galay xarunta oo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Xafiiskiisa weli kama jawaabin dacwadda cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)