fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaYusuf Cabdi Gaboobe: Danjiraha Imaaraadka Ee Somaliland Wuxuu Albaabka U Furayaa Dalal...

Yusuf Cabdi Gaboobe: Danjiraha Imaaraadka Ee Somaliland Wuxuu Albaabka U Furayaa Dalal Kale

    

Falanqeeye Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa Warsidaha Al-Monitor u sheegay in magacaabida Safiirka Imaaradka ee Somaliland, Danjire Abdullah Muhammad al-Naqbi ay albaab u furayso in dalal kale ay wakiillo u soo magacowdaan Somaliland.

“Waxa ay kordhin doontaa suurtagalnimada in dalal kale ay ku biiraan UAE iyo sideedda kale ee horay ugu haystay xafiisyo u dhigma safaaraddaha Hargeysa. Marka laga soo tago horumarinta mashaariicda sida Dekedda Berbera, marinka Berbera iyo xarumaha caafimaadka, magacaabista Naqbi waxa ay gacan ka geysan karta ballaadhinta iskaashiga Imaaraadka iyo Somaliland ee ku aaddan sugidda marinnada badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee la dagalaanka argagixisada iyo budhcad-badeedda” ayuu yidhi Yuusuf Gaboobe

Dawladda tagta daran ee waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhootay in dawladda Imaaraadku ay Wakiil usoo magacaabato Jamhuuriyadda Somaliland sidii cadaada u ahayd ee ay horeba uga cadhootay xidhiidhka ay Somaliland la samaysay waddamada Kenya, Taiwan iyo guinea Conakry oo dhammaan ay xidhiidhka u jartay.

Naqbi ayaa qayb ka ah guulo diblomaasiyadeed oo isdaba joog ah oo uu gaadhay Madaxweyne Biixi, oo ka bilaabmay markii ay Taiwan samaysay xidhiidh laba geesood ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland bishii Sebtember 2020.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)