fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaSuldaan Ku Baaqay In Laga Digtoonado Faafitaanka Xanuunka Covid-19

Suldaan Ku Baaqay In Laga Digtoonado Faafitaanka Xanuunka Covid-19

    

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay xanuunka Covid-19, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay taxadir iyo feejignaan badan sameeyaan, si aanu u fidin oo loo xakameeyo.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qadarka ILLAAHAY ayay wax kastaaba ku dhacaan, cid kasta oo ku qoran inay xanuunkan Covid-19 u dhimato way ku dhimanaysaa, ee maadaama oo aynu nahay ummad muslim ah, mar kasta waxaa inagu waajib ah inaynu aamino inay wax kastaaba ku dhacayaan qadarka ILLAAHAY, ee dadkii inagaga dhintay xanuunkan iyo dadkeena kale ee siyaabaha kaleba u dhinta waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto, dadkeena xanuunsanaya inuu xanuunka ka dulqaado, ee xanuunka Koronaha waxaynu iskaga xakamayn karaa iyadoo aad loo taxadiro, oo aynu ka taxadirino siduu ku faafayo, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu xanuunkan inaga dulqaado”.

Mar wuu ka hadlayey bisha Ramadaan wuxuu yidhi “Bishii khayrka iyo fadliga badnayd ee Ramadaan ayaa foodda ina soo saartay ee ILLAAHAY ha ina gaadhsiiyo, oo caafimaad qab iyo khayr ha inagu gaadhsiiyo”.

Dhanka kale, wuxuu Suldaan Xasan ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir