Friday, March 29, 2024
HomeWararkaShirka Dhalinyarada Soomaalida Ee Tiknooloojiyadda oo Ka Furmay Jigjiga

Shirka Dhalinyarada Soomaalida Ee Tiknooloojiyadda oo Ka Furmay Jigjiga

    

Magaalada Jigjiga waxaa maanta ka furmay shir lagaga hadlayay horumarka casriga technology-ga, fursadaha ka bannaan, hal-abuurka iyo qaabka ay dhalinyardu uga faaiideysan karaan.

Shirkani ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin heer deegaan ah, ganacsatada farsamada casriga ee technology-ga isticmaala, dhallinyaro iyo khubaro ka shaqeeya shirkadaha technology-ga ee ugu waawayn dunida sida; Facebook, Google, Amazon, Shopify, IBM, Boeing iyo kuwo kale oo kaga qeyb-qaadanayay shirka dhinaca aaladda fogaan-arraga ee Zoom-ta.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen dhallinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid daafaha dunida ayay ujeeddadiisu tahay in uu kulmiyo fikirrada, hal-abuurka iyo aqoonta dhallinta Soomaalida si ay u kala faa’iidaystaan.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar oo shirkani ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in maanta ay halkan iskugu yimaadaan dhallinyaro Soomaali ahi oo isaga kala yimid dalalka jaarka ah oo waxa isku keenayna uu yahay haybtooda oo kali ah, iyaga oo ka tashanaya mustaqbalka dhallintooda.

Madaxwaynaha ayaana dhallinyarada ugu baaqay in la kala garto khalad-fahanka (Activism) oo ah baraarujinta iyo u-doodista bulshada ee dhinaca baraha bulshada, taasi oo loogu talo’galay in lagu soo bandhigo u-doodista xuquuqda aadamaha, cabashooyin sax ah oo jira iyo cayda iyo af-lagaaddada oo madaxwaynuhu ku tilmaamay “Is-baaro”, muhiimna ay tahay in bulshada iyo da’yarta loo horseedo dhaqan wanaagsan oo dhaxal u noqonkara.

Saamiya iyo Maxamed Cumar oo ka mid ah aas-aasayaasha ururka (Somali Youth Summit) ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in la helo dhallin ku hubaysan karti, han sare, xirfad iyo aqoon, kuwaasi oo qeyb ka noqda horumarinta bulshada.

Shirkani ayaa noqonaya markii labaad ee la qabto, halka markiisii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Inta uu shirkani socday waxaa lagu wadaagay doodo la xidhiidha qaabka technology-ga casriga ah lagaga faa’iidaysan lahaa, waxaana fikiradooda soo bandhigay shaqsiyaad aqoon durugsan u leh technology-yadda, marka saddexaad ee shirkani ayaa lagu ballansanyahay in lagu qabto dalka Jabuuti.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version