fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii Hay’adda Madaarrada

Madaxweyne Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii Hay’adda Madaarrada

 

    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray Wareegto uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Hay’adda Madaarrada dalka Cabdi Maxamed Rodol,  waxa kaloo uu Hay’adaasi u magacaabay maareeye cusub.

Sidaasna waxaa lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland waxaanay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada kuna magacaabay masuul cusub.

Xilka qaadis:

Wareegtadaasi waxa lagu socodsiiyey Maareeyihii hore ee Hay’adda Madaarrada Somaliland  Cabdi Maxamed Rodol, waxaana ogaysiin ku lahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, waxaanu madaxweynuhu ku yidhi “Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Magacaabis:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu wareegtada magacaabista Maareeyaha cusub ee Hay’adda Madaarrada ku yidhi

“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaarradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aamiyey; In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)