fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararkaBooliska Kenya oo Digniin Ka Soo Saaray Nin Looga Shakisan Yahay Al-Shabaab...

Booliska Kenya oo Digniin Ka Soo Saaray Nin Looga Shakisan Yahay Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weerar Duulimaad

    

Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan Nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay baadi goobayaan booliska la dagaalanka argagixisadu.

Rashid Mwalimu, oo ah duuliye la tababaray, ayaa si dhuumaaleysi ah dalka Kenya uga dhoofay una soo dhoofay Soomaaliya kadib markii uu ka war helay in ay ku raad joogaan boolisku.

“Waa duuliye tababbaran oo ku wajahan hawlgal weerar duulimaad. Xilligan, wuxuu ku dhuumanayaa Soomaaliya wuxuuna qorsheynayaa inuu si dhuumaaleysi ah dib ugu soo galo dalka. Haddii lagu arko, si naxariis leh ugu soo wargeli hay’adda nabadgelyada ee kuugu dhow, “ayaa lagu yidhi bayaanka booliiska.

Booliska ayaa ninkan ku xidhiidhiyay nin kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababaran isla markaana duuliya ah. Magaciisu waa Cholo Abdi Abdullah, oo 3i jir ah, kaas oo hada ku jira xabsi kuyaala dalka Mareykanka.

Cholo Abdi Abdullah, ayaa laga qabtay dalka Filibiin sanadkii 2019 waxaana loo wareejiyay Mareykanka halkaas oo lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay afduub diyaarad oo uu weerar ku fuliyo.

Labadan nin ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyay Ali Salim Gichunge, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Dusit D2, oo ay ku dhinteen dhowr qof.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)