Waxaana sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo maanta warbaahinta la hadlay.
Maalinnimadii Axada ayay ahayd markii Wasaaradda Waxbarashada, ay Guddida la dagaalanka xanuunka Covid-19 u gudbisay dalab ku aadan Dugsiyada dalka, sababo la xidhiidha xanuunkaasi.
Wasaaradda ayaa Guddida xanuunka Covid-19 ka dalbatay in Ardayda dugsiyada la fasaxo muddo laba bilood ah.