fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaQoraa Caalami Ah oo Ka Waramay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo Sida Beesha...

Qoraa Caalami Ah oo Ka Waramay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo Sida Beesha Caalamku Awoodda U Saartay Soo Noolaynta Soomaaliyada Fashilantay

Home 
    

Gordon Peake oo ah qoraa Caalami ah, ayaa ka hadlay qadiyadda Ictiraaf-raadinta ee Somaliland, waxaanu ka warramay sida Beesha Caalamku Awoodda u saartay soo noolaynta Soomaaliyada Fashilantay, isla-markaana ay indhaha uga lalisay Somaliland.

Maqaal dheer oo Mr. Gordon Peake uu ku baahiyey Bog uu ku leeyahay Internet-ka, ayuu Ciwaan uga dhigay in Somaliland oo beesha Caalamku indhaha ka qarsatay ay wax wanaagsan qabsatay iyadoon helin taageerada Adduunka intiisa kale “Qabsashada Wax wanaagsan Caawimo La’aan, waa Kiiska Somaliland..” ayuu qoraalkiisa ku yidhi.

Qoraagu wuxuu Maqaalkiisa ku sheegay in Sagaashamaadkii oo Somaliland bilowday inay Madax-banaanideeda kala soo noqoto Soomaaliya, aanay Beesha Caalamka taageero ka helin si ay u dhisanto, laakiin xilligaa Maraykanka iyo Dawladaha ku midaysan Qaramada Midoobay ay 4 Billion oo dollar ku bixiyeen hawl-gallo Millateri oo ujeeddada laga lagaa ahayd dib u soo celinta iyo soo noolaynta Soomaaliyadii burburtay, halka xilligaa Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay Somaliland ku taageereen wax aan boqolkiiba hal dhamayn (1%) oo 4 taa Bilyan ka mid ahaa, si Nabadgalyada loo soo dabbaalo.

Gordon Peake oo maqaalkiisa ku soo xiganaya War-bixinno hore looga qoray Marxaladihii Somaliland soo martay, ayaa sawir wanaagsan ka bixiyey sida Somaliland u guulaystay iyadoon Beesha Caalamka ka helin wax taageero Maaliyadeed ah oo buuran

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)