fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaCumar Cabdirashiid oo Ka Digay Heshiis Milatari oo Ay Soomaaliya La Galayso...

Cumar Cabdirashiid oo Ka Digay Heshiis Milatari oo Ay Soomaaliya La Galayso Itoobiya iyo Eritrea

    

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si weyn uga digay heshiis milatari oo dhawaan ay wada gaadhi doonaan Soomaaliya, Eriterea iyo Ethiopia.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in heshiiska noocaas ah uu khatar ku yahay Soomaaliya, balse tafaasiil dheeraad ah kama aanu bixin nooca uu yahay heshiiskaas.

“Heshiiska Amni iyo Difaaca ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxey noqon kartaa arin walaac dhab ah leh ” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.

Hadalkan ayuu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Sannadkii 2018 Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa wada galay heshiis ku saabsan adkaynta nabad galyada.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in laga takhalusiyo halista guud ee ay wada wajahayaan saddexda dal, taasoo ah argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya ee mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu ku wajahan yahay dalka Ethiopia, halkaas oo uu shir ku dhexmaridoono saddexda dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)