Friday, March 24, 2023
HomeWararkaWasiirka Caafimaadka oo Furay Adeegyo Cusbitaalka Hargeysa Lagu Kordhiyey

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Adeegyo Cusbitaalka Hargeysa Lagu Kordhiyey

    

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Xadhigga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan  Wasiirrada Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Ku-xigeennada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka iyo Marti-sharaf kale, ayaa Kormeer ay ku mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka.

Kormeerkooda, ka dib waxay xadhigga ka jareen Mishiinnada Ogsajiinta amma Neefta dhaliya ee Cusbitaalka, Qaybta Doobbiga oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo Dharka iyo Agabka Bukaanka Cusbitaalka. Intaas ka dibna waxay u gudbeen Qaybta Maskaxda oo dib u habayn lagu sameeyey.

Ugu horreyn waxa halkaas Masuuliyiinta Warbixin ku siiyey Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, waxaanu sheegay in Mishiinnada Ogsajiinta dhaliyaa si wanaagsan u shaqaynayaan, isla markaana illaa Boqol Haamood oo kuwa Neefta loo adeegsado ah ay soo saaraan amma dhaliyaan, taas oo muhiimad u leh badbaadinta Dadka naqasku qabto, wakhtigan lagu jiro xaaladda xanuunka Covid-19 oo ku fidaya dalka.

   

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)