Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaSomalia: Xidhibaanadii Laga Mamnuucay Fadhiyada Barlamaanka oo War Soo Saaray

Somalia: Xidhibaanadii Laga Mamnuucay Fadhiyada Barlamaanka oo War Soo Saaray

Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya
    

Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo qalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeedheen muddo kordhin sharci darro ah.

Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegidoonaan xarunta barlamaanka islamarkaana ayna u joojin doonin go’aanka lagaga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

“Shirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaadha waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yidhi xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada waxay sheegeen in aanu jirin xeer guddoomiyaha u oggolaanaya go’aanka uu soo saaray, waxayna tilmaameen awoodda kaliya uu guddoomiyuhu leeyahay in ay tahay inuu xiro fadhiyada haddii uu buuq yimaado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version