fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Gabdho Kamid Ah Ciidamadda Booliska oo Saraakiil U...

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Gabdho Kamid Ah Ciidamadda Booliska oo Saraakiil U Dallacay

Madaxweynaha Somaliland iyo Gabdho Ciidamadda Booliska
Madaxweynaha Somaliland iyo Gabdho Ciidamadda Booliska
    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay Gabdho Dhallinyaro ah oo katirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo u dallacay derejada sarkaalnimo.

Kulanka uu madaxweynuhu ku qaabilay hablahan katirsan ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha ciidanka birmadka gaashaanle sare Cabdi Axmed-tiir iyo ku-xigeenkiisa, gaashaanle dhexe Khadar Maxamuud Cabdilaahi, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo, laguna dhiirrigelinayo hablaha Booliska ah ee dallacay.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliyaha ciidanka Birmadka, gaashaanle dhexe Cabdi Axmed-tiir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kaalinta dhiirrigelinta iyo taageerada leh ee uu ka qaato ciidanka Booliska iyo dhismihiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hablaha dhallinyarada ah ee ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo maanta u dallacay derejooyin cusub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa qolodiinna dallacday, tacliinta sii wada oo sii kordhiya, waana idiin ducaynayaa inaad horumar badan samaysaan dhinac walba.”

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ugu jiraan bulshada iyo sida ay shacabku ugu kalsoonyihiin shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo filashada wanaagsan ee ay astaanta u yihiin, “Dumarku awood bay u leeyihiin inay dadka wax ka dhaadhiciyaan, weliba dadku hablaha way maqlaan, waayo waa Hooyo, waa naxariis, markuu qofku dumar yahay qofka soomaaliga ahi waxa uu ka filayaa waa naxariis, taakulayn iyo waxtar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu hablaha katirsan ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si hufan bulshadooda ugu adeegaan, shaqada ay qaranka u hayaanna u hagar baxaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)