fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaCiidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Gadood Sameeyay, Jidgooyana Dhigtay

Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Gadood Sameeyay, Jidgooyana Dhigtay

Ciidamada maamulka Puntland
Ciidamada maamulka Puntland
    

Ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa jidgooyooyin cusub dhigtay wadada isku xidha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Ciidamadan ayaana sidoo kale masuuliyiinta maamulkaasi Puntland ka mamnuucay isticmaalka wadadaasi.

Jidgooyada ay dhigteen ciidamadan ayaa caqabad ku noqotay masuuliyiiin maamulka Puntland ka tirsan oo qorsheynayay in ay ciidamo tababar ugusoo xidhaan degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamada dhigtay jidgooyada ayaa cabashadooda waxay kusoo beegmaysaa xilli madaxweynaha maamulka Puntland uu dhawaan shaaciyay in la kordhiyay mushaarka ciidamada.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaan xanibin gaadiidka dadweynaha ee ku kala safraya wadadan, inkastoo cabsi laga muujinayo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni inkastoo uu sheegay in mushaharka uu kordhiyay, hadana cabashada ciidamada ayaan weli dhamaan, waxayna haatan ka taagan tahay gobolka Gardafu, oo ay ciidamo iyo saraakiil ka cabanayay xuquuq la’aan sameysteen jabhad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)