fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBaanka Dhexe oo Dib U Fasaxay Isticmaalka Lacagta $50 Dollar oo Baanku...

Baanka Dhexe oo Dib U Fasaxay Isticmaalka Lacagta $50 Dollar oo Baanku Hore U Hakiyay

    

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in dib loo fasaxay isticimaalka Lacagta 50-ka dollar ee Maraykanka.

Baanka dhexe ayaa ayaa hore u hakiyay isticimaalka Lacagta Noodhadhka ee 50 dollar kadib markii suuqyada Somaliland ay soo galeen noodhadh been-abuur ah.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Caali Ibraahin Jaamac Baqdaadi, waxanu u dhignaa sidan;-

“Baanka Dhexe ee JSL waxa uu hore u hakiyey isticmaalka Noodhadhka kontonka Doolar, markii ay noo caddaatay in ay suuqyada JSL soo galeen noodhadh been-abuur ah, oo aanay qabanayn mashiinnada aqoonsada lacagta been-abuurka ah.

Haddaba, xog ururin iyo xog-warran aanu ka helnay Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee waawayn ee dalka ka hawl-gala, waxay noo sheegeen in ay keeneen Mashiino Casri ah oo lagu aqoonsan karo lacagta macmalka ah.

Sidaa awgeed, waxa uu Baanka Dhexe ee Somaliland ogaysiinayaa Baananka, Sarriflayaasha, Hay’adaha Maalayadeed iyo guud ahaan Bulsho-waynta Somaliland, in uu Baanka Dhexe fasaxay isticmaalka noodhadhka lacagta 50 doolar ah ee aan been-abuurka ahayn.

Ugu dambayn war saxaafadeedkan ka soo baxay baanka dhexe ee JSL waxa kale oo lagu yidhi:-

Waxa aanu Bulshada ku war-gelinaynaa in Baanka Dhexe ee JSL uu masuul ka yahay Daabacaadda, Kaydinta, Daryeelka, Wareejinta iyo Beddelka Shillinka Somaliland oo qudha, balse aanu masuul ka ahayn beddelaadda doolarka Maraykanka iyo lacagaha qalaad ee kale.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir