Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasaaradda Biyaha Oo Sool U Dirtay Riigg Ceelal Ka Qodi Doona Gobolkaasi

Wasaaradda Biyaha Oo Sool U Dirtay Riigg Ceelal Ka Qodi Doona Gobolkaasi

    

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa aamnta laba baabuur oo Wiishashka ceelasha qoda ah iyo gaadiid kale ku wareejisay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool.

Baabuurtaasi ayaa kala ahaa gaadhi weyn oo Wiish ah, kana shaqayn doonna dayactirka ceelasha dhaadheer iyo baabuur kale oo Laankuruuser ah, waxaa lagu wareejiyay isku-duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka   Sool

Arrintaasi ayaa ah mid looga dan leeyahay  in lagu daadejiyo maamulka, isla markaana halkii alaabta lagu dayactiro ceelashu ay ka taalay Hargaysa, ee looga gurman jiray  in hadda gobol waliba uu haysto gaadiidkiisa iyo qalabkiisa.

Iyadoo  loogu tallo galnay in goboladda farsamo-yaqaanadoodu ay ku shaqayeen, sida uu sheegay wasiirka biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Geesta kale, wasiirka biyuhu waxa uu isla maanta wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ku wareejiyay baabuur nooca Riigga xanbaara ah.

Kaasoo ceelal biyood ka qodi doona deegaamadda Goljanno iyo Dhaba-saar, oo ka tirsan gobolka Sool, sida uu sheegay wasiirka biyuhu.

Waxa kaloo uu sheegay wasiirka biyuhu in ay dhawaan gobolka Sool u diri doonaan 90 Booyadood oo biyo ah, oo ay bixinayso haayadda Save the Children, taasoo berito bilaabmi doonta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version