News

Somaliland:- Wasiir Qirtay Dhibaato Uu U Gaystay Qof Shacab ah.

Byadmin

Mar 27, 2021

Caaqil Gadaf oo Warbaahinta Hargaysa kula hadlay ayaa sheegay in Wasiirka Wasarada Isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiwali Shiikh Cabdillaahi Suufi inuu qirtay, hadalo Hayb sooca oo uu kula kacay Haweenay ka tirsanayd Shaqaalaha Wasaaradda uu Mamuulka ka yahay laguma Magacaabo Xamda Xuseen.

Caaqilku waxa kale oo u sheegay in ay ka Beel ahaan ay Gogol u fidiyeen Odayaasha Wasiir Dr Cabdiwali balse aanay kuso war celin, Gogashi ay fidiyeena ay sidii u taal Arinkii tabashada Gabadhana aan waxba laga qaban. Siidaasi darteed ayuu yidhi Caaqilku waxa aan ka Beel ahaan uga fadhinaa Beesha Wasiirka Magtii Gabadha ay sheegeen in uu takoorka kula kacay Wasiirku.

Waxa kale oo uu xusay in gabadhaasi ay u dhimatay Magaca Beesha Ciise oo ay kasoo jeedo, waxaanu baaq u diray Guud ahaan Beesha Ciise meelkasta oo ay joogaan kuwaas oo uu ku war galiyay in Gabadhi ay meeshi lagu dilay wali ay joogto.

Dhankeeda Xamda Xuseen oo ah gabadha sheegtay in hadalada qabyaalada cad ee deel qaaf ah ay kala kulantay Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta ay sugaysay in la Xaal mariyo balse aan wali la Xaal marin, waxna aan laga qaban tabashadeedi, arrintaasna ay ka xuntahay.

Xigasho . Ahmed-nuur Samraawi

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *