fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaMusharraxa La Tartamaya Ismaaciil Cumar Geelle oo Bilaabay Ololahiisa Doorashada

Musharraxa La Tartamaya Ismaaciil Cumar Geelle oo Bilaabay Ololahiisa Doorashada

Madaxweyne Geelle iyo Musharrax Zakariya Ismaaciil
Madaxweyne Geelle iyo Musharrax Zakariya Ismaaciil
    

Dalka Jabuuti waxaa maalintii labaad galay ololaha doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo 9-ka bisha Abril.

Madaxweynaha haatan xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa doorashada waxaa kula tartamaya Zakariya Ismaaciil Faarax oo ah musharraxa kaliya ee bannaanka isu soo dhigay inuu Geelle la tartamo.

Axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada iyagoo sheegay in aanay ku kalsooneyn in codbixinta ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, walow arrintaasi ay dowladda dalka ka arrimisa ay gaashaanka u daruurtay.

Waxaa deegaanno ka tirsan Jabuuti ka socda ololaha doorashada, iyadoo madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu si rasmi ah u bilaabay olalahiisa doorashada.

Halka musharrax Sakariye Ismaaciil Faarax uu isagana ka daahfuray olalahiisa xilli uu isu soo bax siyaasadeed ku qabtay gobolka Carte.

Zakariye Ismaaciil Faarax ayaa sheegay in uu loollan galin doono madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay, wuxuuna sheegay in aanu ka cabsaneynin ku shubasho, rajadiisuna ay ku xidhan tahay oo kaliya go’aanka shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)